Puntland oo Si Dadban Uga Jawaabtay War-murtiyeedkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Puntland ayaa si dadban uga jawaabtay War-murtiyeedkii ay soo saareen golaha Wadatashiga Qaranka ee ku aadanaa hannaanka heshiiska laga gaaray doorashooyinka dalka oo ay isla qaateen Golaha marka laga reebo Puntland oo ka maqneed labadii kulan oo ugu dambeeyay ee Baydhabo iyo Muqdisho.

Wasiirka Ariimaha guddaha Puntland Cabdi Faarax Juxe qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa si maldahan uga horyimid hishiiskii ay gaareen golaha, asiga oo sheegay in la laalay Dastuurkii Federaalka iyo kii dolwad-goboleedka, iyi sidoo kale hishiisyo kale, waxaa uu intaas ku daray in middaasi aysan aheyn wax fuduu.

“OLIHII SARE EE KACAANKA 1969 OO AAN ILKO LAHAYN. Goluha Wadatashigu wuxuu xalay laalay Dastuurkii Federaalka iyo kii Dawlad-Goboleedyadaba iyo dhamaan wixii heshiis lagu ahaa burburkii kadib. ” Hadday saas u fududahay faraqa laysma haysteed 30 sano.” ayuu yiri Wasiir Juxe.

Dhanka kale Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Gaas ayaa asna ka horyimid go’aankii ka soo baxay golaha Wadatashiga Qaranka arrimaha doorashada Soomaaliya,  waxaa uu xusay in hadalkaasi aanan la aqbali karin, una cuntami karin Shacabka Soomaaliyeed sida uu ku qoray barihiisa xiriirka bulshada.

” Warka xalay ka soo yeeray Villa Somalia, ma ahan wax la aqbali karo mana wax u cuntami karo Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga maanta lagu jiro” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba, khilaaf xooggan ayaa ka dhaxeeyay Puntland iyo dolwadda dhexe muddooyinkii dambe, hadal-heyn badan ayaa ka dashay in Soomaaliya laga hirgalinayo doorasho qof iyo Cod ah doorashooyinka soo aadan. Puntland ayaa la saadaalinayaa in bayaan ka soo saari doonto hishiiskii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qananka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed