Puntland oo sheegtay inay aqoonsatay dadkii ka dambeeyay weerarkii xarun Ganacsi oo Boosaaso ku taal

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gacansiga ee Al-macruuf ee Boosaaso.

Shirka Amniga gobolka Bari oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ayaa looga hadlay arrimo la xariiro amiga gobolka iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka deegaannaada.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Ciidanka Booliiska Duqa magaaalada Boosaaso iyo Masuuliyiin kale.

Waxaa lagu soo hadal qaaday in hey’adaha ammaanka in ay aqoonsadeen Ciddii ka dambeysay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Ganacsiga ee Al-macruuf 6 bishaan 2023.

Hey’adaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyeen kooxaha Argagixisada, waxaa ay hosta ka xariiqeen in sida ugu dhaqsayaha badan ay wax kaga qaban donaan.

Dhanka kale Shirkaha ganacsiga ayaa lagu amray in goobaha ganacsiga ay ku xiraan Kaamirooyinka qarsoon ee wax duuba si hey’daha ammaanka ay igu caawiyaan ilaalinta nabad-galyada iyo wada-shaqeynta shirkadaha Ganacsiga iyo hey,addaha ammaanka.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed