Puntland oo sheegtay in Muqdisho aysan sii ahaan karin caasiimadda Soomaaliya eedna u jeedisay dowladda Faderaalka

Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka aamustay dhibaatada ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo taniyo bilaawgii sannadkaa ay ku dagaallamayeen Millateriga Somaliland iyo ciidamada deegaanka SSC-khaatumo.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa oo ka hadlayay maalinta maalinta caalamiga ah ee arrimaha bini’aadan-tinimada oo sanad kaste la qabto  20 August, ayaa dhaliil xooggan u jeediyay dowladda dhexe, waxaa uu cod dheer ku sheegay in madaxda dalka laga waayay in ay diraan baaq caalami ah oo ku aaddan musiibada Laascaanood sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in dowladda Faderalka ay ku mashquushay arrimaha ku saabsan magaalada Muqdisho, halkii ay caalamka ugu baaqi laheyd in la gargaaro dadka reer Laascaanood oo uu sheegay in ay ku socdaan duqeymo aanan loo meel deyin.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Faderaalka ay u aqoonsan yihiin dowlad goboleed ka jirto magaalada Muqdisho, isaga oo hoosta ka xariiqay in maagaalada Muqdisho aysan sii ahaan karin Caasimadda dalka, sida uu ku sheegay hadalkiisa.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo muddooyinkii dambe khilaaf xooggan uu ka dhexeyay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe kaas oo salka ku haya arrimo la xiriiro dhanka siyaasadda oo labada dhinac ay aad u kala fogaadeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed