Puntland oo Shaacisay Xilliga Bixinaa Kaararka Codbixinta

Maamulka Puntlanad ayaa shaaciyay xilliga la bixinaayo kaarar Codbixinta ee doorashooyinka Gobolada iyo deegaannada Puntland sida ah shaaciyeen guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Cabdirisaaq Axmed Saciid ayaa sheegay in maalinta berrito ah ay bilaabi doonaan bixinta kaararka Codbixinta, waxaa hoosta ka xariiqay in ay diyaarsan yihiin lana gudda galin deegaanka iyo Gobolada.

Gobolada maalinta berri ah laga bilaabo doono ayaa kala ah: Bari Karkaar Sanaag Gardafuu iyo Hayland sida lagu sheegay bayaanka  uu saxaafada u akhriyay guddoomiyaha guddoga KMG ee doorashooyinka Puntland.

Dhankale Gobolada kale Nuugaal iyo Mudug ayaa iyaguna heli doona Kaararka Codbixinta taariikhu marka ay tahay 26/4/2023 ilaa 28/4/2023, waxana dadka loogu baaqay in ay u diyaar garoobaan iskuna diyaariyaan in ay qaataan Kaararka.

Muddooyinka dambe Gobolada iyo Deegaannada Puntland waxaa ka Soconayaa doorashooyinka golaha deegaanka ay ku tartamayeen Axsaabta Siyaadda Maamulka Puntland.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed