Puntland oo Shaacisay Eedeysanayaal Loo Heysto Shaqaaqadii Garowe

Puntland ayaa ku dhawaaqday eedeysanayaal  loo heysto shaqaaqadii ka dhacday habeen hore garoonka diyaaraha Garowe halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidanka madaxtooyada Garowe iyo kuwa taabacsan Mucaaradka.

Xeer ilaaliha guud ee dowladda Puntland  Axmed Yuusuf Taraan ayaa shaaciyay magaacyada eedeysanayaasha kuwaas oo uu sheegay in loo heysta Shaqaaqadii dhacday oo ay ku dhinteen 3 Askari halka 10 kalana ay ku dhaawacmeen.

Amaarkaan ku aadan soo qabashada eedeysanayaasha ayaa gaaraya ayaa gaaray ilaa 4 ruux oo loo heysto falkaan dhacay, kuwaas oo kala ah:

1-Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

2-Xasan Shire Abgaal oo ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland .

3- Maxamuud  Warsame Faarax Shiddo Wa wasiir hore oo muddo ka soo shaqeynaayay Puntland.

4- Maxamaed  Jaamac Faarax.

Eedeysanayaashaa ayaa loo heystaa in ay ka dambeyeen dagaalkii cuuryaamiyay in shalay wax shaqo aha iyo duulimaad ah aysan ka dhicin garoonka diyaaradaha Puntland.

Xeer Ilaalinta ayaa intaas ku dartay in Booliiska baaritaan ay sameeyeen in ay masuul ka ahayeen raggaan loo jaray amarka soo qabashada kuwaas oo ay sheegeen in ay soo maleegeen wixii dhacay.

Si kastaba, Xaaladda Puntland ayaa kacsan waxaa ka jirto xiisad xooggan oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka oo ay isku hayaan siyaasiyiinta iyo Madaxweynaha, mana jiro ilaa haatan wax xal ah laga gaaray.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed