Puntland oo Markale Jawaab Ka Bixisay Hadalkii Ra’iisal Wasaaraha

Madaxweyna ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan u jeediyay Puntland kaas oo taabanay arrimaha quseeyo siyaadda, iyo in arrinta deyn cafinta ay caqabad ku yihiin.

Axmed Karaash ayaa sheegay in Xamse Cabdi Barre aysan ka sugeyn difaac iyo in uu ilaaliyo midnimada Soomaaliya, isaga oo tusaale usoo qaatay qaddiyada dagaalka Laascaanood oo aysan dowladda Soomaaliya caddeyn mowqifkooda marka laga reebo in ay nabad ku baaqeen.

Waxaa kale oo uu ku eedeyay in hadaladdii Raiisal Wasaaraha ee warbaahinta uu ka sheegay aheyd mid ka fiirsasho la’aan ah balse mowqifka Puntland aysan waxbo ka beddeli doonin ayuu hoosta xariiqay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.

Waxaa Cirka isku shareertay Khilaafka dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland xaalada ah mid Cakiran oo ka sii dareysa.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed