Ciidamada Puntland ayaa sheegay in hawlgallo ay saacadahii la soo dhaafay ay fuliyeen deegaannada ku teedsan buuraha calamiskaad inay ku burburiyeen Keydkii guud ee Raashinka iyo Xaruntii Caafimaadka ee Kooxda Daacish, iyaga oo la wareegay goobahaasi.
Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ay gacanta lagu dhigay Taliskii guud ee Tababarada Daacish, waxaana Howlgalkaasi lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo dhammaantood ahaa sida hadalka loo dhigay ajaaniib.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in qeyb Daacishta ay ku go’doonsan yihiin masaafo kooban, iyaga oo tilmaamay in ay dhinacyada kaga hareeraysan yihiin ciidamada Puntiland.
La wareegsita Ciidamada Puntland goobahaasi ayaa ku soo aadeysa xilli Howlgalo kala duwan ay ka wadeen deegaanada ku xeeran Buuraha Cal-miskad oo lagu tilmaamo fariisinta ugu weyn ee kooxda Daacish-ta Soomaaliya ka dagaallanta.
Todobaadkaan horaantii ayaa Puntland soo bandhigtay goobo ay ku qarxiyeen miinooyin lagu aasay wadooyinka, kuwaa aad u cuslaa jugtoodu.
HBN ONLINE TV