Puntland oo ka hor timid qaashada kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee Soomaaliya

Puntland ayaa ka hor yimid diwaangelinta iyo qaadashada kaarka aqoonsiga Qaranka Soomaaliya oo ay bixiso hay’adda NIRA, iyada oo shacabka dhanka Puntland ee gobolka Mudug ugu goodisay haddii ay qaataan inay lumin doonaan sida hadalka loo dhigay xaquuqdii maamulka ay ku lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadayaan qof weliba oo qaata kaarka aqoonsiga muwaadinnimo ee Hay’adda NIRA bixiso, taasi oo uu tilmaamay in deegaanno gobolka ah laga bilaabay.

Guddoomiyaha ayaa carrabaabay in qofkii qaata kaarka uu dhumin doonno xuquuqda muwaadinnimo ee Puntland, maadaama jiritaanka hay’adda NIRA uu ku sifyeeyey mid aan ku dhisneyn sida uu hadalka u dhigay Dastuurka Dalka, inkastoo hay’adan lagu dhisay xeerar uu ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

“Qofkii qaata Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka ee Soomaaliya ee NIRA wuxuu lumin doonnaa Xuquuqda Muwaadinnimo ee Puntland, Dadbaa inta tagaan ayay leeyihiin aqoonsi ayaan ka qaadaneynaa, horta dastuur ahaan ayaa jiritaankeeda la isku hayaa” ayuu yiri Guddoomiyaha Faysal.

Puntland ayaa dhowr jeer ka hor timid tallaabooyin kala duwan oo ay qaadeen Hay’adaha Dowladda Federaalka, sida Imtixaanka Mideysan, Diiwaangelinta Muwaadiniinta codeynaya, Guddiga Doorashooyinka iyo kuwo kale.

Puntland ayaa qiil ka dhigatay in dhismaha Hay’adahaas iyo gaarista go’aamada qaar ay bannaan joog ka aheyd, sidaas awgeed loo baahan yahay in madal la isugu yimaado lagana wadahadlo waxa xalka ah si mowqif mideysan loogu wajaho sida hadalka loo dhigay.

Ma jiro war ka soo baxay hay’adda NIRA oo ay uga jawaabeyso go’aanka ka soo baxay maamulka Puntland. Hay’adda waxaay meelo kala duwan ka wadaa bixinta kaarka aqoonsiga muwaadinimo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed