Puntland oo ka hadshay Saraakiil lagu dilay magaalada Gaalkacyo iyo shaqsiyaad loo qabtay

Puntland ayaa war ka soo saaray geerida laba sarkaal oo lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cabdul Cumar iyo Sakariye Maxamed Diiriye oo xalay si naxdin leh loogu dilay magaalada Gaalkacyo. Taliska Booliska Puntland ayaa si deg deg ah u soo bandhigay raggii dilka geystay oo lagu kala magacaabo Xuseen Muuse Faarax iyo Maxamed Xuseen Muusa, waxayna soo saareen amar lagu soo xirayo.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Halabokhad ee Magaalada Gaalkacyo, iyadoo dad la soo qab qabtay, waxaana la sheegay in Aabe iyo Wiil uu dhalay ay ka baxsadeen goobta falkaasi fookaas uu ka dhacay. Ma cadda sababta ka dambeysay weerarka, taasoo sii kordhineysa murugada ku xeeran dhacdadan. Maamulka ayaa ugu baaqay shacabka inay gacan ka geystaan ​​soo qabashada eedeysanayaasha, iyadoo cid kasta oo xog ka haysa laga codsanayo inay la xiriirto Booliska Puntland.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacayay dilal la xiriira aanooyin qabiil oo u dhaxeeya beelaha wada dega deegaankaasi. Maamulka deegaanka ayaa qaatay go’aan adag, waxayna ku dhawaaqeen in cid kasta oo falkaasi ka dambeysay laga qaadi doono talllaabo adag oo sharci ah.

Go’aanka ah in si adag loola macaamilo dambiilayaasha, waxay ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta gobolka, sida ay sheegeen waxgradka gobolka.  Iyadoo bulshada ay aad uga xun yihiin dilka labadan sarkaal, ayaa haddana waxaa socda dadaallo lagu doonayo in cadaaladda lagu horkeeno raggii dilka geystay, iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dadka ku nool Magaalada Gaalkacyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed