Puntland oo Ka Digeysa Roobab Xooggan oo Ku Soo wajahan.

  1. Puntland ayaa sheegtay in roobab xooggan laga cabsi qabo in ay ka da’aan qeyb kamid ah Gobolada iyo deegaanada Puntland sida lagu shaaciyay bayaan ay soo saartay wasaaradda gargaarka&maareynta masiibooyinka.

Magaalooyinka la saadaaliyay, ee roobabka ay  ku soo wajahan yihiin ayaa waxaa kamid ah  Qandala, Qardho, Ufayn iyo dhulka buuraleyda ah deegaanada Puntland, Wasaaradda Maareynta Musiibooyinka ayaa ka digeysaa saameynta tabban ay yeelan karaan roobkaan, kaas oo waxyeello u geysan kara badka igo deegaanka guud ahaan.

Wasaaraadda ayaa dhankale kale Warbixinta ku lifaaqay  deegaannada u dhaw xeebaha baddaha weynta Hindiya iyo Badda Cas ay ka mid yihiin meelaha la filaayo in roobabka ay ka da’i karaan, waxayna ku talineysaa in laga fooj-jignaada Saameynta roobabka ee Deegaanaada Puntland.

“Wasaaradda garagaarka iyo maaraynta musiibooyinka waxay la wadagaysaa dhamaan shacabka ku dhaqan degaanadda Puntland digniin ku saabsan roobab xoogan oo ku beegan  ilaa 30 April ee sannadkaan 2023,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowlad-goboleedka Puntland.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyada oo qeyb kamid ah Puntland ay ka jiraan abbaaro xooggan oo saameyay nolosha dadka iyo deegaannu Puntlanad, waxana wili si fiican u da’in roobabkii Gugu ee Sannadkaan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed