Puntland oo jawaab Ka Bixsay Eedeyn Uga Timad Soomaaliland

Dowladda Goboleedka Puntland ayaa jawaab ka bixsay eedeyn culus oo ay u jeedisay Somaliland, eeddaan ayaa salka ku heysay dagaalka Magaalada Laascaanood in Puntland ay qeyb ka tahay sidoo kalana ay hurineyso colaadda sii dheeraatay ee gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland ayaa jeediyay eeddii ugu dambeysay shallay in Puntland ay maleegeyso farahana kula jirto dagaalka u dhexeeyo Ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC khaatumo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseyso eedaha loo jeediyay iyo in asiga qudhiisa uu eed kale u jeediyay Somaliland, waxaa hoosta ka xariiqay in wararka la xiriiro eedo Puntland ee Laascaannood in aysan sal iyo raad laheyn.

Dhanka kale waxaa uu sheegay i dagaalkaasi in uu masuul ka yahay Muusi Biixi in dadka reer Laascaanood uu dulmiyay dagaalna uu ku qaaday dad aayahooda u tashaday kuna qasbay in aysan ka hadli karin aayahooda Mustaqbalka.

dhowr jeer ayey Somaliland iyo Puntland isku eedeyeen masuuliyada dagaalka Sool,mana jirto xal kale oo aanan aheyn eedeeyn laba dhinac ah.

HBN News Desk, Muqdisho 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed