Puntland oo jawaab culus ka bixisay hadal ka soo yeeray dowladda dhexe sidoo kalana eed u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh

Puntland ayaa jawaab culus ka bixisay hadal shalay ka soo baxay dowladda Faderaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsanaa in maamulka Puntland uu xaraashay  xeryo ay la hayeen ciidamada xoogga Soomaaliyas oo ku yaalay gobolka Mudug.

Hanti dhowrka guud ee dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Guutaale, ayaa shalay ku eedeeyay  maamulka Puntland in 20 milyan oo dollar ay ku gateen labo kamid ah xeryahaas oo lagu kala magacaabo, Warshaddii Kabidda iyo xero Siinaay, oo ku yaalay magaalada Gaalkacyo, lacagtaas ayaa loo adeegsaday in lagu daro dhismaha dekedda Garacad.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa si kulul uga hadlay arrintaas, isagoo oo sheegay in Puntland ay xaq uleedahay inay kabto maalgashiga dhismaha dekadda Garacad oo ay dhisteen dadkeeda sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa sheegay in warka ka soo yeeray Hanti Dhowrka ay ka dambeyso dowladda faderaalka, waxaa ku tilmaamay xasarad ay dhabarka ka riixayaan madaxda dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in loo gafay Puntland, isagoo ku baaqay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis ay raali galin ka bixiyo arrintaas, sida hadalka uu dhigay.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dhul ay laheyd dowladda Soomaaliya ay ku maqan tahay  gacanta madaxda dowladda talada heysa oo sida hadalka uu yirye ay “boobeen” teeramkii hore xukunka ay joogeen, dhulkaas ayna ku jiraan dhulkii Wasaaradaha, Warshadaha,Asluubta, Howlaha Guud iyo kuwa kale, inkastoo caddeymo aanu soo bandhigin.

“Dhulkii warshadaha ahaa, oo dhulkii Wasaaradaha lahaa, oodhulkii  dekadaha lahaa oo dhulkii Asluubt lahaa, Xasan Sheikh iyo saaxiibadii ayaa teeramkii hore uu joogay boobay, haddana boobka ayuu ku wada,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland oo hadalkiisu inta badan ahaa eedeyn aan caddeyn wadan. Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la isweydiiyo halka ay ku dambeeyeen dhulalkaas.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh laga rabo in uu dib u soo celiyo hantidii sida uu sheegay Muqdisho lagu boobay.

Muddooyinkii dambe xiisadda ka dhex taagan maamulka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa ka sii dareysay kuwaas oo hadalo kulu iyo eed isku marinayay warbaahinta.

HBN SPORTS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed