Puntland oo faah faahin ka bixisay dadkii ku dhintay kuna dhaawacmay shilalkii ka dhacay maamulkaas sanadkaan 2023

Taliyaha Ciidanka Taraafikada Puntland ayaa sheegay in 54 qof ay ku dhinteen 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen shilalka gaadiidka ee ka dhacay deegaanada Puntland sanadka 2023-ka oo dhammaanaya.

Faatax Siciid Suleymaan Taliyaha Ciidanka Taraafikada ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee shilalka sida rasmiga ah loo soo sheegay ay gaarayaan 17000 oo shil oo ay ku burbureen in ka badan 800 oo baabuur kuwaas oo 500 ka mid ah ay ahaayeen Mooto Bajaaj.

Taliyaha taraafikada ayaa tilmaamay in marka loo eego sanadkii hore ay hoos u dhaceen tirada dhimashada shilalka.

Waxa uu sheegay in sanadkii hore shilalka ay ku dhinteen 78-qof ay ku dhinteen shilalka gaadiidka,halka sanadkan ay ku dhinteen 54-qof.

Wuxuu ku taliyay in xukumadda ay dadaal badan ku bixiso sidii bulshada looga wacyi-gelin lahaa, isla markaana la kordhiyay ciidamada waddooyinka, dayactir lagu sameeyay waddooyinka oo qayb ka qaatay dhimista shilalka.

Taliye Faatax ayaa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ay shalay ka dhacday gobolka Bari, halkaasi oo saddex qof ay ku dhinteen shil baabuur.

Waxa uu walaac ka muujiyay in wali shilalka ay yihiin kuwa ugu badan ee dhimashada iyo burburka hantiyeed. Waxa uu sheegay in mas’uuliyad darrada darawallada ay sababto shilal, isagoo sheegay in ay ku adkeeyeen qaadashada shatiga darawalnimada maadaama ay yihiin kuwa inta badan geysta shilalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed