Puntland oo eed culus u jeedisay maamulka Somaliland soona saartay baaq adag

Maamulka Puntland ayaa eed culus u jeediyay Somaliland kadib markii  ay sheegeen in ciidamo ay ka soo daabuleen magaalada Ceerigaabo, halkaas oo dhawaan ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan booliiska iyo malleeshiyaad deegaanka ah.

Xiisadaas ayaa la sheegay in ay ka timid kadib markii booliska Somaliland ay xasbiga dhigeen rag la sheegay in ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya, halka wararka qaarna ay sheegayeen in ay qeyb ka noqdeen dagaaladii cuslaa ee Laascaanood ku dhexmaray milletariga Somaliland iyo ciidamada SSS-khaatumo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ugu baaqay mamaulka Somaliland in ciidamadeeda ay ka saarto magaalada Ceerigaabo ee  xarunta gobolka Sanaag, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqaynaa Maamulkaas inay si deg deg ah uga saaraan Ciidamada ay kasoo abaabuleen deegaanka Oog ee ay geeyeen Koonfurta Ceerigaabo si ay ugu dhibaateeyaan shacabka halkaas degan,” ayuu yiri Axmed Karaash madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay haddii Somaliland aysan u hoggaansamin baaqa in ay qaadi doonnto masuuliyadda waxii halkaasi ka dhaca, waxaa uu carabka ku adkeeyay in aysan iska dhaga tirin baaqa ku aaddan in ciidamadeeda ay ka saarto koonfurta magaalada Ceerigaabo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed