Puntland oo ay ka taagan tahay xiisad iyo odayaasha dhaqanka oo bilaabay dhaqdhaqaaqyo nabadeed iyo wararkii ugu dambeeyay

Magaalada Garoowe ee maamulka Puntland ayaa odayaasha dhaqanka waxa ay ku baaqayaan in wada hadal deg deg ah lagu xaliyo ismari waaga doorashada, iyagoona carabka ku adkeeyay in xal siyaasadeed loo baahan yahay. Odayaasha ayaa si weyn uga soo horjeestay liiska 66-ka Xildhibaan ee lagu dhawaaqay Isniintii, iyagoo ka baqaya in khilaaf uu qarxo, gaar ahaan arrinta doorashada, ka dib markii musharixiinta mucaaradka ay diideen Baarlamaanka cusub oo ay u arkaan mid sharci darro ah.

Iyadoo xiisadan ay taagan tahay ayaa Odayaasha iyo Musharixiinta  waxay dadaal xooggan ugu jiraan sidii aysan xiliga doorashada isku bedelin khilaaf xoogan. Dadaalkan ayaa sii xoogeystay kadib markii ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda xukuumadda , taasoo keentay in dadkii deganaa agagaarka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ay isaga guuraan.

Si nabad loo helo, dhinacyo kala duwan ayaa ku hawlan sidii xal nabadeed loo gaari lahaa, iyagoo la kulmaya musharixiinta, uguna baaqaya inay ka fogaadaan rasaas iyo gacan ka hadal. Fariinta ugu muhiimsan ayaa ah in haddii aan wada hadal la helin ay doorashadu noqoneyso mid fowda ah.

Ciidamada mucaaradka iyo kuwa maamulka ayaa hadda isku horfadhiya qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo saacad walba ay ka walaacsan yihiin iska horimaadyada. Garoowe ayaa gashay xaalad adag, waxaana magaalada la keenay ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwa mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Baaqa degdega ah ee wadahadalka iyo ka hortagga rabshadaha ayaa weli ah mid muhiim ah, iyadoo daneeyayaasha ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadaha sii xumaanaya loona gogol xaarayo in xal nabadeed lagu gaaro caqabadaha doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed