Puntland oo Amar Culus Dhigtay Hey’addaha Caalamiga, Iyada oo Eed U jeedisay Dowladda.

Puntland ayaa Amar Culus dul-dhigtay hey’addaha caalamiga ah ee ka howlgala Deegaannada Puntland kuwaas oo ku leh Xafiisyada bayaa ay soo saareen maanta oo ahay mid Culus.

Puntland ayaa ku dhawaaqday in dhammaan hey’adaha kala duwan ee hoosta Qaramada Midoobay in aysan ka howlgali doonin Puntland haddii aysan ka jawaabin baahida dadka reer Laascaanood ee gobolka Sool kuwaas oo Wajahaya xaalad bini aadanimo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Ceydiid Maxamuud Dirir ayaa sheegay in amarka dowladda Puntland ay u hoggaansamaan dhammaan heydaha haddii kale aysan xafiisyadooda aysan sii jiri doonin.

Sidoo kale Puntland ayaa dowladda dhexe ku eedeysay in ay dhagaha ka fureystewn dhibaatada Laascaanood iyaga oo aanan wax gurmad ah u fidinin, dhankale waxay sheegen in Lacago malaayiin doollar ah oo Soomaaliya looga talagalay gaar ahaan xaaladaha bini aadanimo in kaliya lagu bixiyay koofurta Soomaaliya  daadadkii ku dhuftay Jubbaland sida Xudur iyo deegaanno kale.
HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed