Puntland o guddi u magacaawday dabkii xooganaa ee ka kacay magaalada Milxo ee gobolka Sanaag

Puntland ayaa guddi u magacaawday dhibaatadii ka dhalatay dabkii xooganaa ee ka kacay magaalada Milxo ee gobolka Sanaag, kaas oo dhaliyay khasaaro xooggan oo saameyn ku yeeshayd dadka deegaanka, kadib markiiuu galaaftay guryo iyo goobo ganacsi oo badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir deg deg ah la yeeshay gudi uu u magacaabay gurmadka deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, kuwaas oo ka soo tala bixinaya khasaarihii ka dashaya dabkaas.

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay khasaaraha baaxada leh ee soo gaaray bulshada ku dhaqan Milxo, isaga oo faray guddiga inay si deg deg ah gar-gaar loo gaarsiiyo deegaanka Milxo, isla markaana xog ururin dhab ah laga soo sameeyo khasaaraha ka dhashay dabka,

Guddiga uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa ka kooban wasiiro iyo Xildhibaano, waxana lagu wadaa in ay tagaan goobta oo ay la soo kulmaan dadka deegaanka ee khasaaruhu uu gaaray.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed