Puntland iyo Safiirada Beesha Caalamaka oo Lagu Wado In Shir Ka Yeeshaan Khilaafka Dowladda Dhexe.

Warar madax bannaan ayaa sheegaya in magaalada Garoowe uu ka furmayo shir heer-sare ah oo ay ka soo qaybgalayaan safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku bixiya taageerada, iyo maamulka Puntland, sida aan ka xignay  ilo xog oggaal ah  Madaxtooyada Puntland, haddii aan wax kale is beddelin.

Ujeedada ugu wen ee shirkan ayaa ah, sidii horey loogu socodsiin lahaa horumarka dalka gaar’ahaan dhanka arrimaha bini’aadanimada, siyaasadda iyo amniga. Shirkan ayaa imaanaya iyada oo qaar amid ah safiiradii hore ee sida weyn uga dhex muuqdey arrimaha dalka la beddalay.

Sidoo kale safiirada ayaa wada qorshe ay Puntland dib ugu celinayaan wada hadalkii Dowladda federaalka.

Mamaulka Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan mowqifkooda ku aadan wada xaajood ay la galaan dowladda federaalka, iyada oo maalintii shalay ee Axadda Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni la kulmey guddigii wada xaajoodka Puntland iyo federaalka ee uu magacaabey bishii Janaayo 2023.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed