Puntland iyo Qaramada Midoobay oo Kulan Ka Yeeshay Arrimaha Doorashooyinka

Maamulka Puntland iyo Qaramada Midoobay  ayaa kawada hadlay arrimaha doorashooyinka Puntland, kulan ayaa lagu lafa guray xaaladda Cakiran ee Puntland taas oo ku aadan hannaanka doorashooyinka oo aanan la isku raacsaneyn.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland  Cabdi Faarax Siciid Juxa  iyo  Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM)  Mr. Guy Griffin ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garowe, kulankaan ayey dhinacyadu kaga hadleen arrimo

Doorashada Goleyaasha degaanka Puntland ayaa loo asteyay in ay dhacdo 25 May 2023, doorashadaan ayana aheyn mid hishiis lagu yahay.

Ugu dambayntii Wasiir Juxe  ayaa sheegay inay ka go’an tahay Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, asiga oo masuulka Qaramada Midoobay la wadaagay  xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Puntland.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed