Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis Kaalmo Horumarineed

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday hishiis dhanka hormarinta ah oo oo kacaya malaayiin doolar, hishiiskaas ayaa lagu sheegay in uu yahay mid taariikhi ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene iyo Wasiirka Maaliyadda, Biixi Iimaan Cige ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya 92.6 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah.

“Waxaan fursad u helay inaan Dowladda Mareykanka la saxiiixano heshiis taariikhi ah oo dhan $92.6 milyan oo dollar (DOAG) kaas oo ujeedadiisu tahay in loo adeegsado, xasilloonida, kicinta kobaca dhaqaalaha, iyo kordhinta adeegyadda  dowladda,” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

“Saaka waxaan saxeexay heshiiska cusub ee Kaalmada Horumarineed kaas oo dhan $92.6 milyan USD oo ah maalgelin dheeraad ah si loo suurtageliyo mashaariicda horumarineed ee dalka. Tani waa taageero qiimo leh oo ku soo beegantay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya u baahan tahay,” ayuu yidhi Wasiir Biixi.

Heshiiska ay labada wasiir kala saxiixdeen ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo dhisi lahaa Soomaaliya xooggan, xasiloon oo horumarsan oo ay wadaagaan danaha Mareykanka.

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowladood ayaa muujinaya xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayey madasha ka sheegeen masuuliyiintii ka socotay labada dhinac.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed