Ololaha Doorashada Puntland Oo Si Xawli Ah U Socda

Ololaha doorashada dowlad goboleedka Puntland ayaa si xawli ah ku socda iyadoo ay isa soo tarayaan musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa .

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda caasimadda Garoowe ayaa sii xoogeystay iyadoo musharrixiinta kala duwan ay si firfircoon uga qayb qaadanayaan, isla markaana ay soo bandhigayaan ujeedooyinkooda hannaanka doorashada.

Wadooyinka ayaa lagu qurxiyay sawiro iyo halku dhigyo ka tarjumaya jawiga doorashada.

Taliska sare ee amniga ee guddiga doorashada dowlad goboleedka Puntland ayaa abaabulay ciidamo si loo xaqiijiyo jawi ammaan ah magaalada Garoowe, inta lagu guda jiro bannaanbaxa musharixiinta, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay in hab nabdoon lagu galo doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed