Odayaasha Puntland oo Jawaab Culus ka bixiyay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya,Xilli ay ees u jeediyeen.

Odayaasha Dhaqanka Puntland oo jawaab adag ka bixyay hadal dhawaan ka ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo kaga hadlay Arrima la xiriiro Puntland taas oo qabsatay warbaahinta 48 saac ee la soo dhaafay.

Xasan sheekh ayaa sheegay in Puntland ah 24 sanno jirsatay muddana ay shaqeyneysay balse haddii aanan xal laga gaarin xiisada siyaasadeed ee ka jirto in ay halis ugu jirto in 24 maalin ay ku burburto.

Kulan ay iskugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka Puntlan gaar ahaan kuwa Mudug ee dhinaca Puntland ayaa si kulul uga horyimid hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo sheegay in Xasan Sheekh uu ka Hadlay arrimo aanan loo baahneen, asiga oo hadli kara arrimo kale oo muhiim ah.

Waxay ku doodeen in Saciid Cabdullaahi Deni ay xilka u dhiibteen reer Puntland loona tilmaami karin aayahooda iyo Maslaxdooda midna oo ay yihiin dad isku filan isna wadi kara, waxaa kale oo ay sheegeen in haddii Saciid Deni ay dantooda ka arkaan  in  ay xilka ku soo celin doonnaan, haddii ay ka arki waayaanna  waayeen ay iska wareeji doonaan waa sida ay yiraahdeen.

Dhankale Odayaasha ayaa Madaxweynaha ku eedeyay in garab istaagii iyo Nasteexadii ay kaa waayeen  Gobolada Sool iyo Gedo in xilligaan Puntland aysan kaa sugeen, iyaga ugu dambeyn ugu  baaqay in ay miiska wada hadalka iskugu yimaadaan wixii khaldamay in la saxana ay diyaar u yihiin.

hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyada waayahaan u jiray Khilaaf xooggan oo u dhexeyay Puntland iyo Villa Soomaaliya, xaalada ayana sii xumaatay markii Madaxweynaha Soomaaliya uu jeediyay hadal dhaliyay hadal badan ee Puntland.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed