Odayaasha Gaarisa oo diiday shirarka Soomaalida ee lagu qabto dalka Kenya

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Gaarisa ayaa ka hor yimid shirarka siyaasiyiinta Soomaalida ay ku qabanayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaas oo ka digay in ay ka waan toobaan falalka nuucaas ah.

Odayaasha oo kulan ku yeeshau magaalada Gaarisa ayaa sheegay in shirarka siyaasadeed ee lagu qabto dalka Kenya ay ka dhalan karaan khatar amni iyo dhibaatooyin hor-leh haddii aanan la joojin, siyaasiyiinta Soomaalida ayey ugu baaqeen in dalkooda ay ku qabsadaan arrimaha ku aadam shirarka, halkii ay soo aadi lahaayeen Kenya.

Waxaa ay intaasi ku dareen, in ololaha siyaasadeed iyo siyaasiyiinta raadinaya ku raasta ee ka soo jeeda Soomaaliya, in arrintaas ay ku habnoon tahay in ay ku qabtaam gudaha dalkooda.

Arrintaan ayey ku tilmaameen in ay kicineyso xiisad iyo siyaasadeed iyo colaad ku saabsan eheladooda,  shirarkaan waa weyn ee lagu qabanayo hoteelada dalka Kenya.

Warkaan ayaa imanaya iyada oo dhawaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu uga bilaawday shir weyn siyaasiyiinta ka soo jeedo Jubaland kuwaas oo doonaya in ay kursiga ka tuuraan Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa Nairobi badanaa ku qabto shirarka Xasaasiga ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed