Odayaasha dhaqanka Somaliland oo wado waan waan iyo wada hadal xiisadda buura Gacan Libaax

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Somaliland ayaa ka tagey magaalada Hargeysa, iyaga oo u dhaqaaqay dhanka buurta Gacan Libaax oo xiisad culus ay ka taagneed maalmihii la soo dhaafay, odayaashaan ayaa halkaas u aadday in ay waan waan iyo wada hadal ay ka galaan xaalaadda cakiran ee ka jirto deegaankaas, oo jimcii uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Odayaashaya ayaa horey warbaahinta uga sheegay xiisada u dhexeysa ciidamada Somaliland iyo Jabhada hubeysan in lagu dhammeyo wada hadal, si markale uusan u dhicin dagaal kale. Waxaa ay sheegeen in ay door dhex-dhex xaadin ah ay arrintaas u gali doonaan, iyaga xalkaku raadinaya  si nabad ah in loo wada hadlo.

Ilaa iyo hadda wax faah faahin dheeraad ah kama aysan soo bixin odayaasha, balse wili waxay wadaan sidii labada dhinac ay iskugu keeni lahaaayeen.

Xiisadaan ayaa salka ku heysaa khilaafka arrimaha doorashooyinka maamulkaas oo muddooyinkii dambe ay hareeyeen muranno xooggan oo dhaliyay gacan ka hadal iyo mudaharaadyo hore leh.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed