Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo Tagey Furimaha Dagaalka Laascaanood.

Odayaashii dhaqanka ee ka tagay  Muqdisho ayaa gaaray goobaha ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo deegaanka SSC waxayna tageen  duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Odayaashaan oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa u tegay jiidaha dagaalka ee duleedka Laas-Caanood sidii ay u ogaan lahaayeen waxa kajira halkaas iyo masaafada ay isku jiraan labada dhinac.

Xilli Labada dhinac ee dagaalamaya ay fariimo isku mariyeen baraha  bulshadu ku xiriirto, taas sii kordhisay dhiilada colaadeed ee ka taagan gobolka, Odayaasha dhaqan Muqdisho ayaa si toos ah u tagay goobaha lagu dagaalamay.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ka tegay muqdisho ayaa waxaa wehlinaya Isimada dhaqanka SSC , waxaana la filayaa inay gudaha u galaan Magaalada Laas-Caanood si ay u qiimeeyaan waxyeelada ka dhalatay dagaalka iyo dhibaatada gaartay goobaha danta guud.

Odayaasha Dhaqanka isxilqaamay ee ka tegay magaalada Muqdisho ayaa ujeedkoodu yahay inay dhex-dhexaadinayaan dhinacyada Somaliland & SSC, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in Somaliland taasi diiday, isla markaana shalay ay Somaliland ku dhawaaqday inay weerareyso goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada SSC.

Dhanka kale xaalada magaalada Laascaanood ayaa cakiran taniyo shalay dagaaaladii dhacay, Labada dhinac ayaa wado diyaar garoow dagaal oo xooggan.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed