Odayaasha Dhaqan Muqdisho iyo Gobolka Sool oo Kulan Xasaasi ah Yeelanaya

Isimmada Dhaqanka Laascaanood ayaa soo gaaray magaalada Garowe halkaas oo lagu wado in ay kulan kula yeeshaan, Odayaal dhaqameed ka tagaya magalaada Muqdisho kullan ballaaran oo looga hadli xaalada Laascaanood aya lagu lafaguri doonaa.

Xogo aan helnay ayaa sheegaya markii kullankaan uu dhammaado in Odayasha ka baxay Muqdisho ay gaari doonaan Soomaaliland kuwaas oo wada hadal la yeelan doonaa Waxgaradka Hargeysa, Madaxda, Culumada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Odayaasha ayaa bilaabi doono waanwaan xooggan oo xal looga gaarayo dagaalka Laascaanood ee sii daba dheeraaday.

Arrintaan ayaa ku soo aadeeyso Xilli Madaxweynaha Soomaaliland uu ku baaqay xabad joojin iyo in ay soo dhaweynayaan Cid walbe oo ka qeyb qaadneysa Xalka Magaalada Laascaanood oo ay ku dhinteen boqool ruux, wilina ay is hor-fadhiyaan Labada dhinac.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed