Odayaasha Dahaqanka Muqdisho oo Gaaray Soomaaliland.

Odayaashii dhaqanka ee Muqdisho ayaa maanta gaaray Caasimadda Hargeysa halkaasi oo ay ku soo dhaweyeen dhigooda dhaqanka Soomaaliland, waxayna yeelan doonaan kulamo guud iyo kuwa gooni gooni ah.

Odayaashaa dhaqanka ee ka tagay Koofuurta gaar ahaan Muqdisho ayaa u baxay in ay waan waan ka galaan dagaalka dheeraaday  ee Laascaanood kaas oo u dheexaya Soomaaliland iyo kuwa Deegaanka SSC  Khaatumo.

Waxaa lagu wadaa in ay wada hadal la yeeshaan wax garadka Soomaaliland sidii xal waara looga gaari lahaa xal u helida dagaalka gobolka Sool kaas oo 3-bilood soconaya, laguna guul dareeystay in la joojiyo.

Lama oga kullamadaan qorshaha iyo go’aannada ka soo bixi doono, balse labada dhinac ee dhaqanka ayaa fool ka fool maalmahaan uga hadli doono Xaaladda goobolka, iyo suurtagalnimada in wada hadal lagu dhammeeyo arrinta Laascaanood.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed