Odayaasha Beesha Xawaadle ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo ka soo horjeestay Dhismaha Golaha Deegaanka Jowhar

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka ka soo jeeda Beesha Xawaadle ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa ka soo horjeestay qaabka loo dhisaayo Golaha Deegaanka Degmada Jowhar, iyagoona sheegay in cadaalad daro ay ka jirto wax qaybsiga xubnaha Golaha Deegaanka ee beelaha.

Shir ay ku yeesheen magaalada Jowhar Ugaaska Beesha Xawaadle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayey ku sheegeen in Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay u qoondeeyeen Beesha Xawaadle laba xubnood oo ka tirsan Golaha deegaanka, go’aankaas oo uu ku andacoodeen  in uusan u qalmin matalaadda ay xaqa u leeyihiin beesha.

Odayaasha ayaa ku eedeeyay madaxda dowlad gobolleedka Hirshabeelle in ay xaqireen xuquuqdii beesha ee ku aadan dhismaha golaha deegaanka Jowhar.

Iyadoo ay weli socoto qaban qaabada dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Jowhar ee caasimadda KMG ah ee maamulkaasi, ayaa maamulka Hirshabeelle wax jawaab ah ka bixin eedeynta beeshaasi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed