Odayaal dhaqameed isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya isla markaana la shaqeynayay Al shabaab

Labo oday dhaqameed oo lagu kala magacaabo Cali Maqane iyo Axmed Gadaf oo gacan saar la lahaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Galgaduud.

Sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda, Axmed Cali Gadaf ayaa Al shabaab kala shaqeyn jiray sidii ay xoolaha uga qaadi jireen dadka ku dhaqan deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud. Waxa uu ka mid ahaa odayaashii dhawaan ay ururka Al shabaab ku soo bandhigeen magaalada.

Cali Maqane waxa uu ahaa oday dhaqameed u qaabilsanaa ururinta lacagaha laaluushka ah ee ay ka qaataan dadka beeshiisa ah. Inkastoo uu ka badbaaday weeraro badan oo ay geysteen ciidamada deegaanka, Maqane waxa uu sii waday ku lug lahaanshaha la shaqeynta Al shabaab.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer goobo fagaaro ah ka sheegay in dadka gacan saarka la leh Al shabaab in ay isku soo dhiibaan dowladda, loona fidinayo cafis guud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed