Nuxurka Shirkii dalalka Carabta iyo Islaamka ee Sacuudiga maxaa ka soo baxay

Shir madaxeed ay yeesheen dalalka Carabta iyo Islaamka oo uu Sacuudigu martigeliyay ayaa lagu sheegay in la joojiyo dagaalka Gaza, waxaana lagu diiday in ficillada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiin ay tahay mid ay isku difaacayso.

Shir madaxeedka Sabtidii ayaa lagu cambaareeyay “gardarrada Israa’iil ee Marinka Gaza, dembiyo dagaal iyo xasuuq bahalnimo iyo bini’aadantinimada ka baxsan, oo ay ku hayso Falastiin”, ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ugu dambeeyay.

Waxay sidoo kale ku baaqday in la joojiyo go’doominta Gaza, ogolaanshaha gargaarka bini’aadantinimo ee gayiga iyo joojinta dhoofinta hubka ee Israel, ka dib kulankii Riyadh.

Hogaamiyayaasha ayaa dalbaday in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaro go’aan adag oo lagu joojinayo gardarada Israel ay ka wado Gaza.

Markii hore waxaa la filayey in ay ka qeyb galaan 22-ka xubnood ee ururka Jaamacadda Carabta, balse markii dambe waxaa shirka lagu kordhiyey ururka iskaashiga Islaamka (OIC) oo ah urur ballaaran oo ay ku mideysan yihiin 57 dowladood oo u badan Muslimiin, kuwaas oo dalalka Jaamacadda Carabta ay ka tirsan yihiin.

Hashem Ahelbarra oo Aljazeera ka tirsan ayaa sheegay in haddii aan la isku raacsanayn ka soo qayb galayaasha shirka, natiijooyinkoodu aanay faa’iido lahayn.

Shir madaxeedkan wadajirka ah ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ka socda gobolka iyo meelo kale. Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii marti galisay shir madaxeedka Afrika iyo Sacuudiga oo ka dhacay Riyadh.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed