Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee ka hawlgala maamulka Koonfur Galbeed ayaa billaabay howlgallo ay ku hubinayaan gaadiidka iyo dadka soo galaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool oo dhawaan AS xayiraadii ka qaadeen.
Ciidamada ayaa baaris ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan ee gudaha u galaya magaalada, si loo ilaaliyo Amniga guud ee Xudur.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in howlgallada ujeedkooda yahay sidii looga hortagi lahaa falal amni darro oo AS ay ka geystaan gudaha magaalada Xudur.
Sidoo kale, waxaa ay shacabka magaalada Xudur ugu baaqeen in ay muujiyaan feejignaan, lana shaqeeyaan Laamaha Amniga ee gobolka Bakool ee ku sugan baraha Kontroolada.
AS ayaa maalmo ka hor xayiraadii ka qaaday deegaannada gobolka Bakool, iyada oo loo oggolaaday in ay gudbi karaan gawaarida xamuulka ee sida Raashinka iyo sahayda.
HBN ONLINE TV