NISA oo gacanta ku dhigtay gaari Bas ah oo ay saarnaayeen ku dhawaad 30 ruux oo doonayay ku biirada Al shabaab

Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay gaari Mini-bus ah oo ay saarnaayeen 25 caruur ah oo doonayay inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab agagaarka degmada Afgooye  ee gobolka Shabeelada Hoose, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Hay’adda ayaa si qarsoodi ah u soo xirtay dhammaan dadkii ay ku jireen darawalkii iyo laba nin oo la socday oo fududeynayay qoritaanka, iyo ku biirada kooxda Al shabaab, oo dagaal xooggan ay kula jirto dowladda Soomaaliya.

NISA ayaa sheegtay in baaritaanno dheeri ah lagu sameyn doono si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay xiriirka shaqada iyo sidii loo horgeyn lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waddo qorshe ka dhan ah Al shabaab, oo dhinac walba ah sida dhaqaalahooda, meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan iyo dhammaan deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Dowladda ayaa dhawaan bilaabi doonta wajigii labaad ee dagaalka lagula jiro  Al-Shabaab deegannada Jubaland iyo Kooofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed