Nin looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab lagu oo qabtay magaalada Muqdisho kaasoo weerar fuliyay

Ciidamada Booliska Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku soo dhigaan nin looga shakisan yahay in uu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab, kadib markii uu xalay guri ku tuuray Bam gacmeed, kaasoo uu daganaa sargaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Wiilkaan dhalinyarada ah ayaa maqribnimadii weerar ku qaaday guri uu degmada Hodon ka degan yahay Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya. Hase ahaatee, bambaanooyinkiisu ma qarxin.

Ciidamada Booliska ayaa gacanta ku dhigay xilli uu doonayay in uu goobta ka baxsado, waxaana hadda su’aalo lagu weydiinayaa xabsiga. Eedeysanaha ayaa la filayaa in Maxkamad la soo taago.

Ammaanka Caasimadda ayaa soo hagaagayay tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay bishii May ee sanadkii hore u doorteen Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xilli dowlada Soomaaliya ay la wareegtay ammaanka  xarumaha muhiimka ah sida madaxtooyada iyo xarunta baarlamaanka oo ay la wareegeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 HBN  NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed