Nin Dil Geystay oo Lagu Xiray Puntland.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta ku dhigay Nin  loo heysto in uu  dil ka geystay deegannada Puntland, eedeysanahaan ayaa hadda ku jiro gacanta Ciidanka Booliiska.

Ninkaan ayaa lagu xiray gobolka Nugaal, kaas oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Shire oo la sheegay in toorey ku dilay lagu magacaabo  Cabdiqadir Siciid Cabdi sida ay shaaciyeen Booliiska.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in caddaalad la horgeyn doono, Eedeysanaha ayaa ku xiran Saldhiga magaalada Garowe waxana ku socdo baaritaan.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed