Nigeria oo doonaysa inay mamnuucdo shahaadooyinka waxbarasho Kenya, Uganda iyo dalal kale

Nigeria ayaa sheegtay in ay kordhin doonto joojinta shahaadaha aqoonsiga dalal badan oo ay ku jiraan Kenya iyo Uganda.

Tani waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii dalka ku yaala galbeedka Afrika uu joojiyay aqoonsiga shahaadooyinka ee Benin iyo Togo.

“Ma joogsanayno Benin iyo Togo oo kaliya,” ayuu yiri wasiirka waxbarashada Tahir Mamman Arbacadii mar uu wareysi siinayay TV-ga Channels ee Nigeria.

“Waxaan dooneynaa inaan sii wadno wadamo ay ka mid yihiin Uganda, Kenya, xitaa Niger halkan halkaasoo machadyadan oo kale laga dhisay,” ayuu raaciyay.

Awaamiirta cusub ayaa ah dadaal lagu joojinayo shahaadooyinka been abuurka ah ee laga helo warshadaha shahaado dibadeed, ka dib markii uu kashifay wargeyska Daily Nigerian.

Baaritaan qarsoodi ah, weriyaha wargeyska Umar Audu ayaa shaaca ka qaaday sida uu ku helay shahaadada barnaamij afar sano ah oo uu ka qaatay jaamacad ku taal Benin in ka yar laba bilood.

Nigeria waxay bilawday baaritaan rasmi ah oo ay ku samaynayso wasaaradaha iyo wakaaladaha masuulka ka ah aqoonsiga shahaadooyinka waxbarasho ee dibadda laga helay.

Mr Mamman ayaa sheegay in tallaabadani ay ilaalin doonto loo shaqeeyayaasha Nigeria iyo hufnaanta shahaadooyinka dalka.

HBN NEWS DSK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed