Natiijada Doorashadii Puntland oo La Shaaciyay iyo Sida Loo Kala Guuleystay.

Guddiga doorashooyinka Puntland ataa shaaciyay xogta doorashadii Golaha deegaanka ee lagu qabtay deegaannada Maamulkaasi, halkaas oo ay ku tartameen Ururada siyaaadda waxana ka soo baxay Natiijooyin kala duwan sida maanta la shaaciyay.

Doorashadan ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 7 Urur siyaasadeed kuwaas oo ku tartamay kuraasta Golaha Deegaanka,doorashada ayaa lagu qabtay ilaa 30 degmo oo ku yaal Puntland, halkaanka Akhriso Natiijooyinkii ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Puntland.

Codadkii ay kala heleen dhammaan Ururuda:

1- Kaah 68,165 Cod

2-Mideeye 48,3930 Cod.

3-Sincad 28,793 Cod.

4-Mustaqbal 15,187 Cod.

5-Ifiye, 12,930 Cod.

6- Shaqaalaha 3,053 Cod.

7- Runcad 919 Cod.

Sida loo kala helay Kuraarsta:

1- Kaah 286 Kursi

2- Mideeye 211 Kursi.

3- Sincad 133 Kursi.

4- Ifiye 78 Kursi

5-Mustaqbal 57 Kursi.

6- Shaqaalaha 7 Kursi

7- Runcad 2 Kursi.

Wadarta Kuraasta ayaa gaareysa 774 kursi, 645 ayaa ah Lab oo dhiganta 83%, halka 129 ay yihiin Dheddig oo dhiganta 17%, Tirada dadk Codeeya ayaa gaaraya  186,181 ruux. Codadka Ansaxay ayaa  wadar ahaan dhan 177,181. halka Codadka xumaaday ay yihiin 8,736.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed