Muuse Biixi oo Xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 400 oo maxbuus

Madaxweynaha Somaliland ayaa cafis u fidiyay maxaabiis kala duwan oo ku xirnaa xabsiyada magaalada Hargeysa, kuwaas oo horay loo xakumay, maxabiistan ayaa ah kuwa galay dambiyada fudud, tiro ahaan waxaa ay gaarayaam 388 maxbuus oo ku xirnaa basiyada kala dwuan ee Somaliland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Muuse Biixi ayaa lagu sheegayn in 388 maxbuus cafis madaxweyne loo fidiyay munnaasabad  curushada sannadka cusub ee Islaamika aw-geed, bayaanka dhigaalaka ka soo baxay mataxtoooyada ayaa lagu yirii

“In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, munaasibadda curashada sannadka cusub ee Islaamka awgeed, maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 388 (Saddex Boqol, Siddeed iyo Siddeetan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka”.

Si kastaba arrintaana aya waxaa soo dhaweeyay dadka kala duwan ee Somaliland, waxana middoobay dadkii xirnaa iyo Ehelkooda si lamaa filaan ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed