Muuse Biixi oo Sheegay Halka Laga Soo Abaabulo Dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland,  ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood, xilli uu khudbad ka jeedinaayay Munaasabadds 26 Juun magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi ayaa soo hadal qaaday dagaalka muddada dheer Sool ku dhexmaraayo Ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC-khaatumo, waxaa uu soo hadal qaaday in  weerar joogto ah marwalbe lagu soo qaado Ciidanka, oo aysan waligood weerar aysan bilaabin, asiga oo ku eedeyay in bannaanka laga soo abaabulo weerarada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Laascaanood ay ka dagaalamayaa ciidanka  gaarka ah oo dalal shisheeyey ay tabbabar siiyeen kuwaas oo ka soo jeedo  Puntland iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa oo uu ka dhawaajiyay in haddii ciidanka la soo weeraro ay ku qasban yihiin in ay bixiyaan jawaab culus oo deg deg ah, oo ay is difaacaan taasina ay ku taageerayaan marwalbe.

Gunnanadkii waxaa uu sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal, kun baaqeyso in miiska la iskugu yimaado si xal looga gaaro colaada magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed