Muuse Biixi oo Sheegay Hal-arrin oo Soomaaliya ay Nabad ku Heli Karto.

Madaxweynaha Soomaali oo qudbad uu jeedinayay Ciidan tababar soo dhameystay ayaa waxaa uu soo hadal qaaday xaaladda Soomaaliya,  Muusa Biixi ayaa hadal warbaahinta qabsaday ka sheegay Munaasabdaas, waxana ka dhashay hadal heyn xooggan.

Muusa Biixi ayaa cod dheer ku sheegay ilaa Soomaaliya iyo Somaliland ay kala baxaan in koofurta aysan noqon doonin mid xasiloon, dhibaataduna ay sii jiri doonto.

” Soomaaliya hishiin meyso ilaa Soomaaliyadii Talyaanigu gumeystay iyo Soomaaliyadii Ingiriisku gumeysanayay ilaa ay kala baxaan Soomaaliyu saldhigi meyso Xamarna Saldhigi meyso, Kismaanyana saldhigi meyso” ayuu yiir Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kale oo uu sheegay in Khilaafkii ka jiray Soomaaliya sida mid Siyaasadeed iyo kan Al-shabaab in Somalilnad uu  u soo gudbay, waxaa uu tusaale usoo qaatay Ciidanka ka dagaalamaya Laascaanood in ay isugu jiraan kuwa Al-shabaab ah iyo Puntland oo Soomaaliya ka tirsan.

Si kastaba, hadalka Muusa Biixi ayaa maanya dhaliyay hadal heyn xooggan warnaahinta ay ku xiriirto bulshada.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed