Muuse Biixi oo ka hadlay dagaalkii shalay ee Goojacadde baaqna soo saaray

Madaxweynaha Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday Millateriga maamulkaas ee looga saaray taliska Goojacadde ee duleedka magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Biixi ayaa qirtay in khasaraha soo gaaray ciidankoodu uu ahaay kii ugu xumaa oo ay la kulmaan taniyo markii uu bilaawday dagaalka gobolka horraantii sannadkaan 2023, asiga oo intaas raaciyay in baaritaan lagu sameeyn doono wixii dhacay, isla markaana loo saarayo guddii ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Baarlamaanka kuwaas oo soo arrurinaya sababahii keenay in ciidanku ay ku jabaan dagaalka.

Sidoo kale Biixi ayaa sheegay in uu shacabka Somaliland uga digayo wax uu ku sheegay cadaw isku soo baheeystay qaranimada Somaliland, gaar ahaan waxaa uu ka digay wararka warbaahinta lagu faafinayo in aysan aheyn kuwa ku dhisan xaqiiqda dhabta ah, oo ay doonayaan in ay abuuraan  tafaraaruq iyo kala shaki dhexdeenna ah.

Gabagabadii Madaxweyne Muuse ayaa ugu baaqay caalamka in dhibaatadii shalay dhacday aysan waxbo  ka dhibeyn Somaliland oo ay wax walbe sidoodii yihiin, shaqaduna ay socoto, asiga oo hey’addaha iyo ganacsatadaba  u diray fariin la xariirto in aan cidna loo joojin horay loo wado shaqooyinka maalinlaha ah e hey’adaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha maamulka.

Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro  oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin xukuumadda oo xilligaan aanan loo baahneyn khilaaf siyaasadeed, balse loo baahan yahay midnimo iyo wadajir xooggan.

Si kastaba, hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dagaalkii ugu cuslaa Goojacadde looga saaray millateriga Somaliland, dagaalkaas oo looga qabsaday maxaabiis, gaadiid dagaal, hub culus, sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay  talihii ciidanka taliska Goojacadde Faysal Cabdi Bootaan.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed