Muuse Biixi oo go’aan culus ka soo saaray doorashada Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa bayaan ka soo saaray muddeynta xilliga la qabanayo doorashada  xisbiyadda badan ee Somaliland, kuwaas oo u tartami doono kama dambeysta seddexda xisbi ee loo baahan yahay in ay u soo baxaan hoggaaminta tartanka doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa doorashada maamulkaasi.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Bixi Cabdi ayaa lagu yiri ”  doorashada Xisbiyada Qaranka ayaa la qaban doonaa taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, iyada oo laga dhigay, halka doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la qaban doona November 13, 2024″.

Go’aankaan uu wareegatada ku soo saaray madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa horay u soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland bishii la soo dhaafay, balse waxaa ka dhashay diidmo xooggan oo dhanka mucaraadka ah.

Xisbiyada Mucaaradka ee kala ah Waddani iyo Ucid ayaa horay uga horyimid go’aankii guddiga doorashada, kuwaas oo sheegay in ay tahay sharci darro, kana dhallan karto dhibaato siyaasadeed iyo khilaaf baaahsan.

Lama oga sida ay u wajihi doonaan wareegtadaan ka soo baxday madaxtooyada Somaliland, halka guddiga doorashooyinka maamulkaasi ay horay u shaaciyeen jadwalkaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed