Muuse Biixi oo Casuumaad u diray xisbiyada mucaraadka Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliland ayaa casuumaad oo u diray Xisbiyada mucaraadka Somaliland, Ucid iyo Waddani kuwaas oo dhawaan ka hor yimid jadwalkii guddiga doorashada ay shaaciyeen oo la xiriiray muddeynta doorashada maamulkaasi. Shalay ayey aheyd markii uu wareegto soo saaray Muuse Biixi, kaas uu ka xoojiyay go’aankii guddiga.

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan casuumaadda loo diray hoggaamiyaasha xisbiyada Waddani iyo Ucid, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Wareebe, kuwaas oo muddo dhowr jeer ah warbaahinta ka sheegay in Muuse Biixi uu ku tuntay sharciga iyo qaanuunka Somaliland, iyaga oo u jeediyay eedeyn culus taniyo markii uu dhammaaday muddo xilleedka Muuse Biixi, oo ku darsaday muddo kordhin labo sanno ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed