Muusa Biixi oo Ku adkeysatay in Ciidanka Somaliland aysan ka bixi doonin Laascaanood.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay  dagaalka dheeraaday ee Laascaanood ayaa ku adkaystey in aanu kala baxayn ciidankiisa gobolka Sool, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in marnaba middaasi dhici doonin.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay gobalkan aysan 15kii sanno ee lasoo dhaafay ka dhicin dil iyo kufsi oo aysan dhankooda geysan, balse waxaa uu ku eedeyay Puntland in ay Masuul ka tahay dhibaatada taagan.

Balse Puntland horay ayey iskaga fogeysay eedaan oo dhowr jeer loo jeediyay.

“15 sanno ayaan Laascaanood joogney hal dil iyo hal kufsi ma gaysan, dadka reer Sool iyaga is maamulayey keliya Badhasaabka ayaa annaga na ahaa, wada-hadal iyo nabad diyaar baan u nahay balse xuduuddayada kama tanaasulayno qabiilna nagama qaadi karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Isimadda beelaha gobalada SSC & argagixiso is kaashanaysa ayuu ku eedeeyey in ay dagaalka bilaabeen oo ay wali wadaan, dhankoodana ay difaacayaan xaduudaha Somaliland.

Warkaan Muuse Biixi ayaa imanaya iyada oo dhowr jeer beesha Caalamka iyo Midawga Yurub ayaa soo jeediyeen in Soomaaliland ay Ciidankeeda ay kala baxdo Laascaanood si xaalada loo qaboojiyo xalna looga gaaro arrinta cakiran ee gobolka.

HBN News Desk, Muqdisho 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed