Muuse Biixi oo amar ka soo saaray askartii lagu dilay buurta Gacan Libaax

Madaxweynaha Muuse Biixi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay askartii lagu dilay buuraleyda Gacan Libaax, halkaas oo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyo ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad is abaabulay oo ka soo horjeedo maamulka talada haya.

Muuse Biixi ayaa  sheegay in lala xisaabtami doono, sharcigana la geyn doono dadkii ka dambeyay falkii sababay dhimashada iyo dhaawaca askar ka tirsan maamulkaas ee ka dhacay buurta Gacan Libaax, waxaa uu hey’addaha ammaanka uu amray in ay dhammeystiraan baaritaannada ku saabsan wixii falkaas, asiga oo intaas raaciyay in ay waajib tahay in sharciga la horkeen lana mariyo xukunka wixii ay faleen.

Madaxweynaha Somaliland ayaa oo la haldlay warbaahinta ayaayiir “Qaranka Somaliland seddex qodob baa la gudboon oo kali ah, marka hore ciddii shirqoolkaa iyo dilkaas gaysatay, mid abaabulay mid caawiyay iyo mid gacanta gaystayba in la horkeeno sharciga, oo sharciga sida diinta islaamku ogoshahay la mariyo, waa waajib qaranka saaran dad iyo dawladba, xukuumadduna ay garwadeen ka noqonayso, hay’addaha sahrciga waxa la farayaa in ay hawshaa soo dhamaystiraan raadkeeda”.

Dhanka kale Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay  wax uu ugu yeeray cadaw badan, oo meelo badana lagu soo weeraray, asiga oo ku baaqay in loo midoobo sidii loo difaaci lahaa Somaliland.

Maalmihii la soo dhaafay Somaliland waxaa ka dhacay weeraro sababay dhimasho iyo dhaawac kuwaas oo wadar ahaan gaaraya ku dhawaad 30 askari, sidoo kale waxaa ka dhacay muddaharaadyo waa weyn, ilaa iyo shalay waxaa socday baaqyo nabadeed oo ay dirayeen waxgaradka Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed