Musharrax u tartamayay xilka madaxweynaha Puntland oo geeriyooday

Suldaan Cabdicasis Afgaduud oo ka mid ahaa siyaasiyiinta u hanqal taagaya xilka madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Qardho.

Musharaxa geeriyooday iyo qaar badan oo kamid ah taageerayaashiisa oo la socday ayaa ku wajahanaa magaalada Qardho, halkaasi oo ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweyntiisa.

Laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in gaariga marxuumka uu si xowli ah ku socday, islamarkaana si lama filaan ah ugu rogmaday deegaanka Qayaadsame ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadkii la socday.

Marxuumka ayaa maalmo ka hor ka degay magaalada Boosaaso, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Puntland.

Maalmo ka hor ayuu sheegay in uu u istaagay sidii maamulka Puntland uu u hirgalin lahaa isbedel dhab ah. Balse waxaa ka sii horreysay geeridiisa nasiib-darrada ah.

Marxuumka ayaa 15-kii sano ee la soo dhaafay waxa uu ku sugnaa inta badan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wuxuu aad u dhaliilay siyaasadda madaxweynaha Puntland, taasoo keentay in dhowr jeer xabsiga loo taxaabo.

Madaxda ugu sareysa Puntland oo ay ku jiraan dowladda iyo mucaaradka ayaa ka tacsiyeeyay geerida Nabadoon Afgaduud. Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inay bilaabato bisha Janaayo ee sanadka 2024-ka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed