Musharixiinta u Tartamaya Madaxtinimada Puntland oo diiday Liiska Baarlamaanka, kana digay xasilooni darro Siyaasadeed

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa si weyn uga soo horjeestay liiska xildhibaanada ay soo gudbiyeen guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada. Qoraal ay soo saareen musharaxiinta ayaa ku tilmaamay liiska mid been abuur ah oo ay ku eedeeyeen in uu soo abaabulay madaxweyne Deni, kaasoo aanan loo marin hannaan sharci ah.

Musharixiinta ayaa ku nuux-nuux saday inaysan sharci ahayn, waxayna ku celiyeen su’aashii uu soo gudbiyay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka baxay Guddiga kadib markii Madaxweynaha uu ku cadaadiyay inuu aqbalo Liiska xildhibaannada, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe.

Digniin adag oo ay soo saareen musharixiinta, ayey Madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay xasillooni darro siyaasadeed iyo fashilka baarlamaanka. Hadalkaan ayaa imaanaya, iyada oo dhammaan xubihii baarlamaanka la dhaariyay, isla markaana ay doorteen guddoomiye KMG.

Xiisada ka taagan magaalada Garowe ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii ciidamada ay la safteen musharaxiinta oo xiray qeybo kamid ah magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in khilaaf uu ka dhasho dagaal, hadii aan xal deg deg ah laga gaarin. Sidoo kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamo ku sugan gobolka Sool oo markii hore ka amar qaata musharixiinta loo jiheeyay dhanka Garoowe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed