Muddo Kadib Muqdisho iyo Dubai oo Bilaabay Duulimaadyadii Diyaaradaha

Waxaa dib u bilaawday duulimaadyadii tooska ahaay ee Soomaaliya iyo Isku Tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo iskaatagy Xilligii dolwaddii hore ee Farmaajo.

Diyaaradda Fly Dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u bilowday Duulimaad toos ah oo Dubai ilaa Muqdisho ah in muddo ah kadib.

Duulimaadyada Fly Dubai ayaa la ballaarin doonaa 1-da bisha June ee sanadkaan sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Diyaaradda Fly Dubai ee Boeing 737 Max ayaa isku xiri doonta Ganacsiga iyo Dalxiiska ee dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta

Diyaaradda ayaa duulimaadyo ku tagi doontaa Magaalooyinka Muqdisho, Hargeisa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Khartoum, Jubba, Asmara iyo Addis ababa.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed