Muddaharaadyo ka dhan ah Itoobiya oo ka soconaya magaalada Muqdisho kaasoo lagu xoojinayo go’aankii dowladda Soomaaliya

Mudaharaadyo ayaa maanta ka socda magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, mudaharaad lagaga soo horjeedo xad-gudubka ay Itoobiya ee ku aaddan hishiiskii is-af-garadka ahay ee ay la gashay mamaulka Somaliland, kaasoo aad looga horyimid. Shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa dhigaya bannaanbaxyo waa weyn iyo sidii loo xoojin lahaa go’aamadii adkaa ee ay qaateen madaxda dalka ee looga jawaabayay heshiiskii muranka dhaliyay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa baaq u diray shacabka ku dhaqan caasimadda, isagoo ugu baaqay inay ka soo qeybgalaan bannaanbax looga soo horjeedo falalka ay waddo dowladda Itoobiya. Duqa magaalada ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay hadalkan fagaare ah ku muujinayso dareenka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan heshiiska maamulka Somaliland.

“Ma siin doono hal taako oo dhulkeena iyo baddeena ah” ayuu yiri duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo fariin adag u diray shacabka Muqdisho. Ujeedka banaanbaxa ayaa ah in muwaadiniinta lasiiyo madal ay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan ku xadgudubka loo arko madax banaanida Soomaaliya ee ka dhashay heshiiska.

HBB NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed