Mucaraadka Puntland oo ka horyimid go’aan ka soo baxay madaxweyne Deni isla markaana eed u jeediyay

Mucaaradka Puntland ayaa si weyn uga biyo diiday Guddigii uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo ka koobnaa 8 xubnood guddiga xallinta khilaafaadka ee baarlamaanka.

Eedeymo loo jeediyay ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni uu isku dayayo in uu wax ka bedelo hannaanka doorashada, isagoo magacaabay xubno ay ka mid yihiin ehelada iyo xubnaha ka tirsan xisbigiisa Kaah, sida ay sheegeen.

Mucaaradku waxay ku andacoonayaan in tallaabadan ay ka tarjumayso waxqabadkii Madaxweyne Deni ee xilligii doorashada 2022-ka, iyagoo ku eedeeyay inuu isku dayay inuu saameyn ku yeesho oo uu xakameeyo soo xulista xubnaha u tartamaya kuraasta baarlamaanka. Mucaaradku waxa ay walaac ka muujinayaan “suurtagalnimada in ay dhacdo hanaan doorasho oo aan caddaalad ahayn oo aan daah-furneyn.”

Madaxweyne Deni ayaa ku dhowaaqay Talaadadii in guddigan la sameeyay si loogu diyaar garoobo doorashada baarlamaanka ee soo socota. Waxa xusid mudan in wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxtooyadu aanay jirin wax la tashi ah oo lagala yeeshay madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Maqnaanshahan ayaa su’aalo badan ka keenaya dhaq-dhaqaaqa gudaha ee ka dhex jira hoggaanka Puntland, gaar ahaan marka la eego sida la og yahay ee ay ku kala duwan yihiin Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Karaash oo taageero ka helaya mucaaradka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed