Mucaaradka siyaasiyiinta Jubaland iyo Axmed Madoobe oo ku hishiiyay dagaalka Al shabaab kadib kulan ay yeesheen

Mucaaradka Jubaland ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe taniyo markii khilaaf xooggan oo dhanka siyaasada ah ay ku kala tageen, kulankii ay yeesheen ayaa looga hadlay  sidii loogu midoobi lahaa la dagaalanka Al shababa.

Kulankaan ayaa  lagu xusay in mucaaradkii ku shiray Nairobi ay sheegeen in 100% ay si shuruud la’aan ah u taageerayaan madaxweynaha iyagoo xusay duruufaha jira.

Hadal kooban oo uu soo saaray garabka uu hogaamiyo wasiir dowlihii hore C/llaahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in go’aanka lagu taageerayo maamulka fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ay ku wargeliyeen khatarta Al-Shabaab aw-geed iyo arrimo kale oo muhiim ah.

“Waxaan cadeyneynaa in kulankeena uu yahay mid lama huraan ah marka la eego duruufaha jira, waxaan go’aansanay in aan meel iska dhigno kala aragti duwanaanshiyaha siyaasadeed ee naga dhaxeeya danta guud ee dadkeena, waxaan rabnaa in aan Al-Shabaab gabi ahaan ka saarno deegaanada ay joogaan, wali waa ay joogaan” ayuu yiri.

C/llaahi Ciilmooge Xersi  waxa uu daboolka ka qaaday in ka madax ahaan ay mar walba isu yimaadaan oo ay wadahadlaan iyaga oo  kawada tashanaya arrimaha horumarka iyo waliba marka ay Jubaland khatar ku jiraha la xiriiro Al shabaab.

Kulankaan ayaa lagu sheegay in uu yahay kii ugu horeeyay ee kulamo wadatashi ah oo dhinacyo badan taabanaya ay yeelanayaan madaxda siyaasadda, ka hor ololaha militari ee ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Dib u habeyn siyaasadeed iyo heshiisyo daaha dabadiisa ah ayaa ka socday Jubaland muddo bilooyin ah. Madaxweyne Madoobe ayaa marar badan muujiyay kalsoonida uu ku qabo inuu sii ahaado madaxweynaha maamulkaas xilli ay isa soo tarayaan dhaliilaha ay u jeedinayaan mucaaradka muddooyinkii dambe.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed